CiyaaroHORDHAC: Chelsea v RB Salzburg Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha Kulanka

HORDHAC: Chelsea v RB Salzburg Shaxaha Macquulka Ah & Xogaha Kulanka

Chelsea ayaa caawa qaabilaysa dhigeeda RB Salzburg kulankooda labaad ee Champions League xilli ciyaareedkan iyagoo raadinaya guushoodii koowaad ee tartankaas.

Blues ayuu caawa nolol cusub la bilaabanayaa tababaraha ay dhawaan magacaabeen ee Graham Potter iyadoo macalinkii hore ee Thomas Tuchel ay galaafatay guuldarradii Dinamo Zagreb kasoo gaadhay toddobaadkii hore.

Potter ayaan abid hore u maamulin koox weyn oo heerka Chelsea oo kale ah iskaba daa inuu kasoo muuqdo tartanka ugu weyn heer kooxeed ee Champions League e’.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Chelsea ayuu ka maqnaan doonaa mashiinka khadka dhexe ee N’Golo Kante oo wali dhaawacani, intaas marka laga yimaado Potter ayaa haysta saf dhammaystiran oo caafimaad qaba.

Graham ayaa si lamid ah Tuchel doorbida shax ciyaareedka saddex daafac dhexe waxaana loo badinayaa inuu Wesley Fofana, Thiago Silva iyo Koulibaly kusoo bilaabi doono.

Raheem Sterling iyo Aubameyang ayaa lagu wadaa inay weerarka Chelsea hoggaamiyaan iyadoo Mason Mount No.10 kusoo bilaabanayo.

Dhinacooda RB Salzburg ayaa haatan la dhibtoonaysa dhaawacyo tiro badan oo kooxdeeda hadheeyay waxaana ka maqnaan doona kulankan xiddigaha kala ah Wober, Luka Sucic, Oumar Solet, Mamady Diambou, Sekou Koita, Samson Tijani, Kamil Piatkowski, Bryan Okoh, Justin Omeregie iyo Oumar Diakite.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Chelsea  (3-5-2): Mendy; Fofana, Silva, Koulibaly; James, Kovacic, Jorginho, Mount, Cucurella; Aubameyang, Sterling

RB Salzburg (4-3-1-2): Kohn; Dedic, Bernardo, Pavlovic, Ulmer; Capaldo, Seiwald, Kjaergaard; Kameri; Sesko, Fernando

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme