CiyaaroHordhac: Barcelona Vs Celta Vigo ee Horyaalka La-Liga, Wararka Labada koox iyo...

Hordhac: Barcelona Vs Celta Vigo ee Horyaalka La-Liga, Wararka Labada koox iyo Shaxda Macquulka

Barcelona ayaa isku dayi doonta in ay ka dhigto 7 guul oo xiriir ah horyaalka La Liga marka ay sii wataan ololahooda maxaliga ah ee kulnak Celta Vigo.

Kooxda reer Catalan ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo heysata guuldaradii 1/0 ah ka soo gaartay Inter Milan ee tartanka champions League habeenkii talaadada, halka Celta ay guul 1/0 ah ka gaartay kooxda Real Betis horyaalka todobaadkii hore.

Wararka Labada koox

Barcelona ayaa haatan lix ciyaaryahan oo dhaawac ah heysata, iyadoo Andreas Christensen iyo Franck Kessie ay yihiin shaqsiyaadkii ugu dambeeyay ee dhaawacyo soo gaareen,.

Kessie ayaa ku dhaawacmay tababarkii Arbacadii, iyadoo labada nin ay ku biireen Hector Bellerin , Ronald Araujo , Memphis Depay iyo Jules Kounde oo miiska daawaynta saaran.

Frenkie de Jong ayaa ku soo laabtay tababarka isbuucaan, si kastaba ha ahaatee, xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands ayaa lagu wadaa inuu diyaar u noqdo tartanka Camp Nou.

Gerard Pique ayaa laga yaabaa inuu bedelo Christensen afarta dambe, halka Ansu Fati iyo Alejandro Balde ay riixayaan inay ku soo laabtaan kooxda ka dib markii ay isku dhaceen Inter San Siro.

Dhanka Celta, Franco Cervi ayaa ganaax ku seegi doona kulanka, laakiin kooxda martida ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku jirta kulanka Camp Nou.

Shaxda Labada koox

Barcelona: Ter Stegen; Roberto, Pique, E Garcia, Balde; Gavi, Busquets, Pedri; Dembele, Lewandowski, Fati

Celta Vigo: Marchesin; Mallo, Aidoo, Nunez, Galan; Beltran; Rodriguez, Veiga, Solari; Larsen, Aspas.

Xogta Ciyaarta

Tartanka La Liga

Saacada 22:00 Geeska Africa

Garoonka Camp Nou

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme