CiyaaroHordhac: Aston Villa Vs Man City: & Gerrard Oo Kulankaan Guul Ama...

Hordhac: Aston Villa Vs Man City: & Gerrard Oo Kulankaan Guul Ama Geeri U ah

Kooxda  Aston Villa ayaa marti galin doonta kooxda Man City kulan ka tirsan todobaadka 6-aad ee horyaalka premier League kulan kaasoo ka dhici doona Garoonka: Villa Park

Man City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay gaadho guushoodiii 5-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Halka kooxda Aston Villa ay soo galeysa kulanka iyaga oo kaliya hal kulan badiyay isla markaana la kulmay 4 guuldaro ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Kulanka: Aston Villa Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30

Garoonka: Garoonka: Villa Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Aston Villa ayaan wax guul ah ka gaadhin Man City 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyaga oo waliba guuldaro kala kulmay city 7-dii kulan ee ugu dambeeyay waliba laga dhaliyay 22 gool halka ay iyaguna dhaliyeen kaliya 5 gool.

Kooxda Man City ayaa badisay 14 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League iyada oo guuldaradii ugu dambaysay ee ay kala kulantay Aston Villa ay ahayd mid dhacday sanadkii 2013 kii.

Kooxda Aston Villa ayaa laga badiyay 15 ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ay la ciyaartay kooxda difaacanaysa horyaalka marka laga reebo guushii 7/2 ahayd ee ay ka gaadhay Liverpool bishii october 2020.

Kooxda Aston Villa ayaa laga badiyay 4-tii kulan ee xilli ciyaareedkan waxana ay ku jirtaa xilli ciyaareedkeedii ugu xumaa abid ee taariikhdeeda tan & ilaa 1997.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Aston Villa (4-3-3): Martinez; Cash, Konsa, Bednarek, Digne; McGinn, Luiz, Kamara; Bailey, Watkins, Coutinho

Man City (4-3-3): Ederson; Walker, Stones, Dias, Cancelo; Silva, Rodri, De Bruyne; Mahrez, Haaland, Foden

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme