CiyaaroHordhac: Arsenal Vs Tottenham: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka North...

Hordhac: Arsenal Vs Tottenham: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka North London Derby

Kooxda Arsenal ayaa marti galinaysa kooxda ay xafiiltamaaan ee Tottenham kulan ka tirsan todobaadkii 9-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona Emirates.

Kulankan ayaa ah midkii ugu xiisaha badnaa sanadihii ugu dambeeyay sabab la xidhiidha in ay labada kooxood ku tartamayaan kaalinta 1-aad ee premier League xilli ciyaareedkan.

Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya guul ka caawisa in ay sii xejistaan hogaanka horyaalka premier League isla markaas gaadhaan guushii 7-aad ee premier League.

Dhinaca kale Tottenham ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo bilaa guuldaro ah isla markaas isha ku haya in ay guul gaadhaan si ay hogaanka u qabtaan hogaanka horyaalka premier League.

Kulanka: Arsenal Vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30

Garoonka: Emirates Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arsenal ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda kula ciyaareen Tottenham, markii ugu dambaysay ee ay 3 kulan oo xidhiidh ah ka badiyeen ayaa ahayd intii u dhexaysay February 2012 iyo Spetmber 2013.

Tottenham ayaa laga badiyay 2 ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League la ciyaartay Arsenal, waana intii ugu badnayd marka loo eego 13-kii kulan ee ay la ciyaareen Arsenal.

Arsenal ayaa kaliya laga badiyay mid ka mid ah 29-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Tottenham kula ciyaareen garoonka Emiratess waxana ay bilaa guuldaro tahay 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kula ciyaareen Emirates tan ilaa guuldaradii 3/2 ahayd ee ay kala kulantay November 2010.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee premier League dhex mara Arsenal iyo Tottenham iyada oo mid ka mid ah 2-da kooxood ay hogaaminayso horyaalka tan ilaa December 2007, markaas oo ay Arsenal oo hogaaminaysa horyaalka 2/1 ku garaacday Tottenham kulan ka dhacay Emirates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme