CiyaaroHordhac: Arsenal Vs Liverpool : Liverpool Oo Taariikhda Ku Dhigi Karta Guul...

Hordhac: Arsenal Vs Liverpool : Liverpool Oo Taariikhda Ku Dhigi Karta Guul Ay Ka Gaaraan Arsenal

Arsenal ayaa marti gilineysa Liverpool kulan ka tirsan wareegga 10-aad ee horyaalka, waxa ayna galayaan iyaga oo ku jira bandhig wanaagsan xilli ciyaareedkaan

Xogta Kulanka

Arsenal kaliya waxaa ay badisay hal kulan 14-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay la ciyaareen Liverpool

Gunners ayaa laga yaabaa inay la kulanto shan guuldarro oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay kala kulmaan Liverpool markii ugu horeysay taariikhda

Liverpool ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka ee ay ku ciyaartay Emirtes, in ka badan 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen. Waligood  seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay martida u yihiin Gunners ma soo badin.

Liverpool ayaa labo gool ka hooseysa inay noqoto kooxdii labaad ee 300 oo gool horyaalka ka dhalisa Arsenal, iyagoo ku xigata Manchester United.

Gunners ayaa badisay todoba kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, oo ay ku jiraan afar xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa laga yaabaa inay ku guuldareysato inay badiso mid ka mid ah afarta kulan ee furitaanka Premier League ee banaanka garoonkoda  markii ugu horeysay tan iyo 2010-11 intii uu hogaaminayay Roy Hodgson.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme