CiyaaroHeshiisyada Sida Rasmiga Ah Loogu Dhawaaqay Maanta,

Heshiisyada Sida Rasmiga Ah Loogu Dhawaaqay Maanta,

Waxa lagu jiraa saacadihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay kooxuhu dadaal ugu jiraan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Kooxaha premier League ayaa ah kuwa ugu cad-cad saxiixyada ay samaynayaan iyada oo ay kooxaha premier League ku mashquulsanyihiin sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyo cusub.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ilaa haatan la dhamaystiray isla markaas la xaqiijiyay lana soo bandhigay maanta oo ah maalinta ugu dambaysa heshiiska

Sergiño Dest -> Ac Milan:

Kooxda Ac Milan ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca midig ka ciyaara ee Sergiño Dest kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Barcelona.

Ac Milan ayaa xiddiga Sergiño Dest kula soo wareegtay qaab amaah ah iyada oo dookh u haysata in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga.

Milan ayaa 20 milyan kula wareegi karta hadii ay ku qanacso qaab ciyaareedka xiddiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Martin Dubravka -> Man United:

Kooxda Man United ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Martin Dubravka kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Newcastle United.

Man United ayaa Martin Dubravka kula soo wareegtay qaab amaah ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Manuel Akanji -> Ma City:

Kooxda Man City ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Manuel Akanji Kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund.

Man City ayaa heshiis 5 sano ah ka saxiixatay xiddiga kaas oo joogi doona kooxda Ilaa haatan 2027 kaan dhigay saxiixoodii 5-aad ee suuqa xagaaga.

Anton -> Man United:

Kooxda Man United ayaa soo bandhigtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Antony kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Ajax iyaga oo ka dhigay saxiixa ugu qaalisan suuqa xagaagan.

Man United ayaa xitaa xaqiijisay in uu xiddiga reer Brazil diyaar u yahay in uu ciyaaro kulanka Arsenal ee Todobaadka dambe ee premier League.

Willian -> Fulham:

Xiddigii hore ee kooxaha Arsenal iyo chelsea ayaa heshiis hal sano ah u saxiixay kooxda Fulham isaga oo dib ugu soo laabtay Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme