CiyaaroHarry Maguire Oo Seegi Doona Kulanka Manchester Derby

Harry Maguire Oo Seegi Doona Kulanka Manchester Derby

Daafaca Manchester United Harry Maguire ayaa lagu soo waramayaa inuu seegi doono kulanka adag ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City premier League 2 bisha October ee todobaadka dambe sabab la xidhiidha dhaawac muruqa ah sida laga soo xigtay Daily Star.

Xiddiga reer England ayaa dhaawac soo gaaray intii lagu guda jiray qeybihii dambe ee kulankii England ay 3-3 la gashay Germany tartanka UEFA Nations League bishii Sebtember 26 isaga oo dhamaystay ciyaarta isaga oo dhaawacan.

Kabtanka England Harry Kane ayaa sidoo kale xaqiijiyay in kabtanka Manchester United uu soo gaaray dhaawac, isagoo yiri:”Waxa soo gaadhay dhaawac hadana waxa uu dhamaystay ciyaarta, 5 ilaa 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay waxa uu ku ciyaaray dhaawac”.

Maguire ayaa la filayaa in uu garoomada kamaqnaan doono muddo 2 todobaad ah waxana uu seegi doonaa kulanka ay kooxdiisu la ciyaari doonto Man City.

Dhaawacan ayaa dhirbaaxo ku ah Maguire kaas oo cadaadis weyn ku saaranyahay in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxdiisa hadii uu ka qayb noqonayo koobka adduunka.

Maguire ayaa kaliya ciyaaray 3 kulan 8 kulan ee ay ciyaartay kooxda Man United ilaa haatan xilli ciyaareedka isaga oo booskiisa u waayay xiddigaha Varane iyo Martinez.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme