CiyaaroHalyeygii Hore Ee Man United & AC Milan Jaap Stam Oo Difaacyahannada...

Halyeygii Hore Ee Man United & AC Milan Jaap Stam Oo Difaacyahannada U Sheegay Sida Ay U Xakameeyn Karaan Erling Haaland

Difaacii hore ee Manchester United, AC Milan iyo Ajax ee Jaap Stam ayaa kusoo biiray doodda ka taagan sida ay difaacyahannadu u joojin karayaan weeraryahanka Manchester City ee Erling Haaland oo lix kulan oo Premier League ah oo uu u saftay u dhaliyey toban gool, isla markaana shabaqa la saaxiibay Champions League kulamadiisii ugu horreeyeyba.

22 jirkan ayaa shan gool oo kaliya u jira in uu barbarreeyo tiradii goolasha Kevin de Bruyne uu u dhaliyey Manchester City xilli ciyaareedkii hore oo ahaa 15 gool, iyadoo waliba uu ahaa ciyaartoyga ugu goolasha badan kooxda. 32 ciyaarood ayay ku qaadatay De Bruyne in uu dhaliyo 15 gool, hase yeeshee weeraryahankan hore ee Borussia Dortmund ayaa lix ciyaarood oo kaliya ugu jira  hal gool.

Xisaab ahaan, haddii sida hadda ay wax yihiin ay kusii socdaan, Erling Haaland waxa uu xilli ciyaareedkan dhalin karaa 63 gool, taas oo ka dhigan laban-laab tirada goolashii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed uu ciyaartoy ka dhaliyo horyaalka Premier  League.

Jaap Stamp oo warbaahinta la hadlay ayaa la weydiiyey sida ugu macquulsan ee la iskaga difaaci karayo Erling Haaland maadaama uu ka mid yahay difaacyahannadii ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta, waxaanu ku jawaabay: “Waxa aad u baahan tahay in aad noqoto mid gardarro badan oo cidhiidhi badan. Marka ay kooxda kaasoo horjeedda kubadda haysato, waxa aad u baahan tahay in City aad kula ciyaarto qaybteeda garoonka, kaddibna aad husho qof kale oo mar walba ku dhegsanaada Haaland, iskuna daya inuu ciyaarta ka saaro, gaar ahaan marka aad kubadda lumisaan in aan loo ogolaanin in uu kubadda helo.”

Stam oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray: “Waxa aad u baahan tihiin in aad kubadda u diidaan. Haddii aad isku daydo in hal ciyaartoy uu xidho, way addkaanaysaa sababtoo ah wuu kaa daba baxayaa tobankii jeerba sagaal mar, xaaladduna way adkaanaysaa, markaa waxa aad u baahan tihiin in aad isaga weerar ku ahaataan.”

Jaap Stam waxa uu soo bandhigay qaladaadka ay sameeyaan kooxaha uu goolasha ka dhaliyo Erling Haaland, waxaanu yidhi: “Kooxuhu waxay beddelaan qaabka ay u ciyaarayaan, waxaanay ku dheelaan difaac sababtuna waa in ay khatartiisa ka baqayaan. Dadka qaarkood ayaa yidhaahda waxaad u baahan tahay in aad ciyaartoy khadka dhexe ah isaga ku xidho si uu u ilaaliyo, laakiin markaas iyaga ayaad u ogolaanaysaa in ay kubadda maamushaan. Taas beddelkeeda, waa in aad samaysaan dookhyo kale oo aad iskaga difaacaysaan.

“Anigu haddii aan shaki ahaan iskaga hadlo, mararka qaarkood waa in aad xamaasad ku ciyaarto, waa in uu idinku jiro ciyaartoy gardarro badan oo isaga xag-xagta, kuwa kalena waa in ay la ilaaliyaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme