CiyaaroHalyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa kala taliyay Harry Maguire mustaqbalkiisa

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa kala taliyay Harry Maguire mustaqbalkiisa

Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa kala taliyay Harry Maguire mustaqbalkiisa naadiga Manchester United, wuxuuna u sheegay inuu isaga tago Red Devils.

29-sano jirkaan ayaa dhowr jeer dhaleeceyn kala kulmay qaab ciyaareedkiisa liitay ee Man United iyo xulka qaranka England, xilliyadii dhawaa.

Wargeyska “The Telegraph” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Jamie Carragher, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Xili ciyaareedkan waa inuu noqdaa kii ugu dambeeyay Harry Maguire ee kooxda Manchester United.”

“Waxay u muuqataa in culeyska adduunka oo dhan uu saran yahay Maguire, waxaan sheegay sannadkii hore inuu u dagaallamayo xirfaddiisa Manchester United.”

“Xilli ciyaareedkan waa inuu noqdaa kiisii ugu dambeeyay ee Old Trafford, markii aan arkay Maguire labadii kulan ee ugu dambeeyay ee England, Waan ka naxay isaga.”

Halyeeyga kooxda Liverpool iyo xulka qaranka England ee Jamie Carragher ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Gareth Southgate waa inuu qiimeeyaa in Maguire uu maskax ahaan awood u leeyahay ka qayb galka koobka aduunka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme