CiyaaroHalkee Ayaa La Kala Marayaa Gool Dhalinta Qaarada Yurub

Halkee Ayaa La Kala Marayaa Gool Dhalinta Qaarada Yurub

Weeraryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa xoojiyey hogaanka tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub Kadib markii uu saddexley ka dhaliyay Man City.

Haaland ayaa qaab ciyaareed wareer ah soo bandhigay kulankii ay Man City xasuuqday Man United isaga oo dhaliyay 3 gool 2 kalena caawiye ka noqday.

Erling Haaland ayaa goolashiisa kor ugu qaaday 14 kulan oo premier League ah kadib 8 kulan oo uu ciyaaray isaga oo ugu cad-cad ku guulaysiga gool dhalinta premier League.

Weeraryahanka Barcelona Lewandowski ayaa kaalinta labaad kaga jira tartanka kabaha dahabka ah isagoo dhaliyay 9 gool kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Mallorca.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Neymar kaas oo ku joogsaday 8 gool maadama uuna wax gool ah dhalin kulankii todobaadkan ay ciyaartay kooxdiisu.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappe kaas oo dhaliyay goolkiisii 8-aad kulankii ay PSG guusha ka gaadhay kooxda Nice kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Tottenham ee Harry Kane kaas oo dhaliyay gool kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Arsenal isaga oo dhaliyay goolkiisii 7-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme