CiyaaroHaaland Taariikh Ku Dhigay Dortmund, City Oo Waqtigii Geerida Ka Taqalustay Kooxda...

Haaland Taariikh Ku Dhigay Dortmund, City Oo Waqtigii Geerida Ka Taqalustay Kooxda Reer Jarmal, Messo-na Taariikh Ayuu Dhigay

Sheekada Ciyaarta Qeybta hore : waxaa nasiinada lagu aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , waxaana mamaulka ciyaarta ku badnaa Man City .

Dortmund waxa ay ciyaarayeen kubad daafac iyo rogaal celis ku tiirsan waxa ayna ku guuleysteen in guud ahaan is hor taagaan halis waliba oo ka imaan kartay City

Ma jirrin halis gilin muuqata oo ay City sameeyeen waxaan qeybtaas hore lagu tilmaami karaa mid ka mid ah koodii ugu xumaa in muddo ah

Garabka bidix City ma aheyn sidee laga rabay , Grealish bilaa faa`ido ayuu ahaa .

Qeybta labaad , Dortmund waxa ay bilaabeen in kubadda la qeybsadaan City waliba aaggooda ayay ugu tagayeen illaa ay keeneen gool si cajiib ah uu u dhaliyay wiilkii hore City ee Bellingham waxa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 56-aad

Ka dib goolkaas Pep waxa uu sameeyay badel wada jir ah waxa uuna saaray xiddigo Riyad uu  ku jiro kaasi oo bandhigiisa uu liitay waxaana wehliyay , Gundogan  iyo Jack Grealish , waxa uuna ku badalay Alvarez ,Silva iyo Foden

Ka dib badaladaas City waxa ay sameynayeen isku dayo kala duwan balse xal buuxa ma jirrin xilli daqiiqadii 66-aad Haaland ay birta kaga dacday kubad gool aheyd .

Dortmund waxa ay ku guuleysteen in halista wiilkoodii hore ee Haaland is hor taagnaa waxa ayna ciyaarayeen kubad deggan oo kalsooni ay ka muuqatay xilli City fursado cajiib ah sameynayeen .

Badaladaas saameyn ayay reebeen City waa u dhawaaneysay goosha Dortnumd illaa ay keeneen gool gantaal ahaa waxaana banaanka ka toogtay Stones daqiiqadii 80-aad waxaana ka ashaqeeyay De Bryune

Ka dib Dortmund waa la go`doomiyay lana ciqaabay ilaa laga dhaliyay gool aan la aamini karin waxana laba daafac ka kor booday Haaland oo gool labaad dhaliyay daqiiqadii 84-aad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme