CiyaaroHaaland oo Ku qalqaalinayo Xidiga Jude Bellingham ku biiritaanka Kooxda Man City

Haaland oo Ku qalqaalinayo Xidiga Jude Bellingham ku biiritaanka Kooxda Man City

Erling Haaland ayaa lagu soo waramayaa inuu ku booriyay saaxiibkiisii ​​​​hore ee Borussia Dortmund Jude Bellingham inuu ku soo biiro Manchester City.

Xiddiga reer Norway ayaa xagaagii hore ku soo biiray Man City isaga oo kaga soo biiray kooxda Borussia Dortmund waxana uu saaxiib dhaw la ahaa xiddiga Bellingham markii ay wada joogeen Dortmund.

Bellingham ayaa ka mid ah xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican booskiisa waxana la filayaa in uu door weyn ka ciyaaro xulka qaranka England koobka adduunka.

Xiddiga Bellingham ayaa si weyn loo filayaa in uu isaga tago kooxda Borussia Dortmund xagaaga dambe iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Man United, Chelsea, Man City, Liverpool iyo Real Madrid.

Sida laga soo xigtay CBS Sports, Haaland ayaa saaxiibkiisii hore ee Dortmund ku qancinaya in uu iska diido kooxaha kale ee doonaya saxiixiisa kuna biiro Man City.

Kooxda Dortmund ayaa la sheegayaa in ay xiddiga 19 jirka ah ee reer England ku qiimayso lacag dhan 83 milyan oo euro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme