CiyaaroGuardiola ayaa sharaxay sababta Haaland aanu wali heerka Messi u gaadhin

Guardiola ayaa sharaxay sababta Haaland aanu wali heerka Messi u gaadhin

Pep Guardiola ayaa si farsameeysan u sharraxay farqiga u dhexeeya labada ciyaartoy ee Erling Haaland oo uu hadda ku layliyo Manchester City iyo Lionel Messi oo uu muddo afar sannadood ah tababare ugu soo noqday Barcelona, kuwaas oo uu goob-joog uga noqday goolal tiro badan.

Kaddib kulankii ay Man City 6-3 ku xasuuqday Manchester United, Pep Guardiola ayaa wax laga weydiiyey haddii uu Erling Haaland oo dhaliyey 17 gool 11 ciyaarood oo Premier League iyo Champions League ah oo uu u saftay Man City, waxaana uu 22 jirkan u jeediyey amaan badan, isaga oo ku tilmaamay in uu yahay ciyaartoy cajiib ah marka uu garab ka helo laacibiinta kale ee kooxda.

Haaland oo isku qoray taariikhda Premier League markii uu saddexlaydii saddexaad oo xidhiidh ah dhaliyey kulankii Manchester United, isla markaana siddeed ciyaarood oo kaliya ay ku qaadatay in uu jabiyo rikoodhkii saddexleeyda ee Michael Owen oo 48 ciyaarood ku haystay saddexdii saddexlay ee ugu degdegga badnaa ee Premier League, ayaa waxa uu sidoo kale noqday ciyaartoygii 14aad ee abid qiimaynta 10/10 ka hela wargeyska L’Equipe, waana qiimayn aanu xataa Cristiano Ronaldo helin.

Wariyaha waraysanayay Guardiola ayaa weydiiyey su’aal u dhignayd sidan: “Isagu waa ciyaartoy ka duwan, laakiin marka aad haysato Leo Messi, waxa aad mar walba ka filanaysaa in uu dhaqaaqo oo uu goolal dhaliyo ciyaar walba, ma dareensan tahay in sidaas oo kale uu yahay Erling Haaland?”

Pep Guardiola oo ka jawaabayay su’aashan ayaa yidhi: “Farqigu waa in Erling uu u baahan yahay dhamaan ciyaartoyda kooxdiisa, waanad ogtahay in marka uu yimaaddo… lama rumaysan karayo. Laakiin Messi, wuxuu isagu leeyahay awood uu wax kasta ku samayn karo kalidii.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme