CiyaaroGuardiola ayaa daboolka ka qaaday waxa uu samayn doono Erling Haaland waqtiga...

Guardiola ayaa daboolka ka qaaday waxa uu samayn doono Erling Haaland waqtiga uu socdo Koobka Adduunka

Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa daboolka ka qaaday waxa uu samayn doono Erling Haaland waqtiga uu socdo Koobka Adduunka ee bisha November ka bilaabmaya waddanka Qatar, iydoo dhamaan horyaallada iyo tartamada kala duwan ee kubadda cagta la joojin doono.

Norway ayaa ku hadhay isreeb-reebkii Group C oo ay kasoo baxeen Netherlands iyo Turkey, waxaanay taasi ka dhigan tahay, in Haaland oo 19 gool oo dhamaan tartamada ah dhaliyey xilli ciyaareedkan uu ka maqnaanayo fagaaraha ugu weyn dunida ee Koobka Adduunka.

22 jirkan ayaa waqtiga ciyaartoyda dalalkoodu usoo gudbeen Koobka Adduunka ay iska xaadirinayaan Qatar, waxa uu isagu awoodi doonaa inuu dib baytariyada u dabaysto oo uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba u nasto, si uu dhamaadka  bisha December ugu soo laabto Etihad Stadium isaga oo diyaar u ah in uu halkii kasii bilowdo gool-dhalinta.

Tababare Pep Guardiola oo la weydiiyey waxa uu Haaland samayn doono waqtigan ayaa sheegay in uu geli doono fasax iyo nasasho, kooxdana uu dib ugu soo laaban doono marka uu soo dhamaado Koobka Adduunku, waxaanu yidhi: “Waxa uu geli doonaa fasax hal ama laba toddobaad  ah, kaddibna waxa aanu bilaabi doonaa tababarka ciyaartoyda aanu ku haysano halkan.”

Guardiola oo ka hadlay sida ay isku fahmeen Haaland iyo ciyaartoyda kale ee kooxdiisa Manchester City ayaa yidhi: “Waa ciyaartoy cajiib ah, waxa layaableh dareemayaashiisa, waxa uu dhaqaaqaa hal ilbidhiqsi ka hor inta aanay kubaddu u imanin.

“Ciyaartoyda noocan ah, sidee ayuu macallinku wax u bari karaa? macquul ma aha, waa dabiici. Sida uu ula xidhiidho Kevin De Bruyne, Phil Foden, Riyad Mahrez, Jack Grealish ayaa heersare ah. Erling marka uu kubadda haysto, waxa uu garanayaa meesha uu u baasayo. Waxa uu horumar ku samayn karaa qayb kasta oo ciyaartiisa ah. Qof kasta wuu ogyahay waxa uu ku fiicnaan karayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme