CiyaaroGabriel Jesus Mise Erling Haaland? Qabiirka Gabby Agbonlahor Ayaa Sheegay Saxiixa Ugu...

Gabriel Jesus Mise Erling Haaland? Qabiirka Gabby Agbonlahor Ayaa Sheegay Saxiixa Ugu Fiican Xilli Ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee Aston Villa Gabby Agbonlahor ahna qabiir ka faalooda kubada cagta ayaa sheegay in uu Gabriel Jesus yahay saxiix ka fiican Haaland  xilli ciyaareedkan premier League.

Xiddiga Gabriel Jesus ayaa isaga tagay Man City isaga oo ku biiray kooxda Arsenal kadib markii ay Man City la soo saxiixatay xiddiga Erling Haaland.

Jesus ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan xilli uu Haaland laftiisu isagana soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah.

Si kastaba ha ahaatee qabiir yahaanka Gabby Agbonlahor ayaa sheegay in uu Jesus yahay saxiix ka fiican  Erling Haaland xilli ciyaareedkan premier League.

Isaga oo la hadlaya Talksport ayuu yidhi”Saxiixa ugu fiican aniga ahaan waa Gabriel Jesus, haa dabcan Haaland bandhigiisa cajiibka ah lama dafiri karo isagana balse City horay ayay u ahayd koox fiican la’aanta Haaland,

Iyaga o aan Haaland haysan ayay dhaliyeen goolal badan ayuu sii raaciyay,

Laakiin Gabriel Jesus ayaa wax kale ka dhigay Arsenal xilli ciyaareedkan, waxana ay haystaan weeraryahan aan marna ka daalayn in uu cadaadis saaro daafacyada ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme