Wargeyska dhaqaalaha ee Forbes ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda kubadda cagta ee ugu taajirsan, isla markaana dhaqaalaha ugu badan uu soo galo sannadkii, waxaana meel aanay cidina gaadhi karayn maraya Cristiano Ronaldo, iyadoo Lionel Messi iyo Kylian Mbappe ay ku jiraan liiska.
Layaab ma noqonayso haddii Ronaldo iyo Messi ay mar labaad ku tartamaan kaalinta koowaad, sababtoo ah dhaqaalaha badan ee ay ka helayaan kubadda cagta, in kasta oo laacibka reer Portugal uu figta sare joogo oo aan la qaban karayn.
Ronaldo oo 38 jir ah ayaa noqday ciyaartoyga dhaqaalaha ugu badan sameeyey sannadkan 2023, waxaana usoo xerooday oo uu gacanta ku dhigay adduun lacageed oo gaadhaya $260 milyan oo dollar, taas oo ka kooban $200 milyan oo dollar oo uu mushahar uga qaato kooxdiisa Al-Nassr iyo $60 milyan oo dollar oo kale oo uu ku helo xayaysiisyo uu sameeyo.
Lionel Messi oo 36 jir ah ayaa kaalinta labaad ku jira oo sannadkan ay qasnaddiisa ku dhacaysaa $135 milyan oo dollar, waana lacag kala-badh ka hoosaysa inta uu Ronaldo helo.
Messi ayaa waxa uu kooxdiisa Inter Miami ka qaataa mushahar gaadhaya $66 milyan oo dollar sannadkii, halka $70 milyan oo dollar oo kale uu ka sameeyo bannaanka garoomada.
Neymar Jr oo Al-Hilal ah, Kylian Mbappe oo PSG u ciyaara iyo Karim Benzema oo xagaagii ay la wareegtay Al Ittihad ayaa ah ciyaartoyda kale ee sannadkii ay soo gasho lacagta ka badan $100 milyan oo dollarka Maraykanka ah, hase yeeshee Erling Haaland ayaa uu dakhligiisu yahay $58 milyan dollar, iyo Mohamed Salah oo toddobaad fadhiya oo sannadkii uu dakhligiisu yahay $53 milyan oo dollar.
Waa kuwan 11ka ciyaartoy ee dakhliga ugu badan uu soo gelay sannadkan 2023
- Cristiano Ronaldo – $260 milyan
- Lionel Messi – $135 milyan
- Neymar – $112 milyan
- Kylian Mbappe – $110 milyan
- Karim Benzema – $106 milyan
- Erling Haaland – $58 milyan
- Mohamed Salah – $53 milyan
- Sadio Mane – $52 milyan
- Kevin De Bruyne – $39 milyan
- Harry Kane – $36 milyan
- Robert Lewandowski – $34 milyan