CiyaaroFIFA Virus: Barcelona Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay Fasaxa Xulalka, Laba Xiddig Ayaa...

FIFA Virus: Barcelona Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay Fasaxa Xulalka, Laba Xiddig Ayaa Kaga Dhaawacmay

Kooxda Barcelona ayaa dhirbaaxo xun kala kulantay Fasaxa xulalka iyaga oo ay ka dhaawacmeen laba xiddig intii ay ku jireen fasaxa xulalkooda.

Barcelona ayaa wal-wal wajahaysa xilli ay waayeen laba xiddig oo kooxda 1-aad xilli uu Xavi ka war sugayo xaalada labada xiddig.

Xiddiga Jules Kounde oo xulka Qaranka France u ciyaaraya ayaa dhaawac uga baxay 23 daqiiqo kulankii uu xulka France la ciyaarayay xulka Austria kulan ka tirsanaa Nations League.

Xiddiga reer France ayaa lagu badalay xiddiga William Saliba kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Dhinaca kale xiddiga Memphis Depay ayaa sidoo kale dhaawac uga baxay kulankii uu xulkiisa Netherlands la ciyaarayay xulka Poland kulan ka tirsanaa Nations League.

Xiddiga Weerarka ka ciyaara ee Memphis Depay ayaa ciyaarta ka baxay daqiiqadii 49-aad kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme