CiyaaroFariintii Ay Maamulka Chelsea U Direen Pierre-Emerick Aubameyang Kadib Markii Ay Shaqada...

Fariintii Ay Maamulka Chelsea U Direen Pierre-Emerick Aubameyang Kadib Markii Ay Shaqada Ka Caydhiyeen Thomas Tuchel Oo La Ogaaday.

Madaxda Chelsea ayaa u xaqiijiyay Pierre-Emerick Aubameyang in uu mustaqbal ku leeyahay kooxda kadib markii la ceyriyay Thomas Tuchel todobaadkan, sida ay wararku sheegayaan.

Tuchel ayaa shaqada laga ceyriyay subaxnimadii Arbacada wax ka yar 24 saac kadib guuldaradii Chelsea 1-0 kala kulantay Dinamo Zagreb kulankoodii furitaanka heerka groupyada Champions League.

Graham Potter ayaa hadda si rasmi ah loogu magacaabay badalka Tuchel kaas oo qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Aubameyang ayaa chelsea ku soo biiray maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga kadib markii uu Thomas Tuchel dalbaday in loo keeno xiddigii hore ee Arsenal.

Si kasta ha ahaatee Aubameyang ayaan wakhti dheer la shaqayn tababarihiisii hore iyada oo maalmo yar kadib shaqada laga caydhiyay Tuchle.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, Milkiilaha chelsea Todd Boehly ayaa la xidhiidhay xiddiga Aubameyang una sheegay in uu mustaqbal ku leeyahay kooxda isla markaas uu sii joogi doono kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme