CiyaaroErling Haaland Oo SIDDEED Kulan Kaliya Ku Jabiyay Rekoodh Uu Horay u...

Erling Haaland Oo SIDDEED Kulan Kaliya Ku Jabiyay Rekoodh Uu Horay u Dhigay Cristiano Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa haysta sabab kasta oo uu ku xanaaqo kaddib markii markale keydka la dhigay kulankii ay shalay guuldarrada 6-3 ah kala kulmeen Manchester City.

Madax-xanuunkiisa ayaa sii siyaadaya kaddib marka uu ogaado in wiilka cusub ee Sky Blues ee Erling Haaland uu kaliya siddeed kulan ku gaadhay mid kamida xogihiisa goolasha.

Haaland ayaa kulankii shalay dhaliyay saddexleydiisii saddexaad ee Premier League xilli ciyaareedkan, taas oo ka dhigan inuu durba barbareeyay rekoodhkii saddexleyada Ronaldo ee horyaalkaas.

Ronaldo ayaa saddexdiisa saddexley ee horyaalka kusoo dhaliyay 232 kulan balse weeraryahanka Norwegian-ka ah ayaa siddeed kulan gudahood sidaas kusoo sameeyay isaga oo saddexleydada ka dhaliyay Crystal Palace, Nottingham Forest iyo Manchester.

Haaland ayaa sidoo kale ah ciyaartoygii ugu horreeyay ee Premier League saddex saddexley oo xidhiidh ah ka dhaliya kulamada garoonka kooxdiisa.

Haaland ayaa sidoo kale laba gool ka caawiyay Phil Foden oo isaguna saddexley ka dhaliyay kulankaas taas oo ka dhigan in Erling yahay ciyaartoyga goolasha ugu badan ka qayb qaatay kulan Manchester Derby ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme