CiyaaroErling Haaland Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday Real Madrid.

Erling Haaland Oo Kashifay Sababtii Uu Isaga Diiday Real Madrid.

Erling Haaland ayaa dhawaanahan soo jiitay indhaha in ka badan ciyaartoy kasta oo kubbada cagta aduunka ka tirsan, gaar ahaan ka dib markii uu si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka premier League.

Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay 10 gool lix kulan oo uu ciyaaray, isaga oo durba muujiyay in uu xiddigu noqon doono mid u fiican kooxda Man City.

Shirkada isgaadhsiinta ee Viaplay ayaa soo saartay filim dokumentari ah oo ku saabsan ciyaartoyga da’da yarka ah kaas oo Haaland iyo Aabihiisa waraysi bixinayaan.

Markii weriyuhu uu waydiiyay Erling Haaland sida uu u diiday inuu u dhaqaaqo kooxda Real Madrid Haaland ayaa ku jawaabay “Su’aal fiican, ma samayn kartid taas”.

Isla markaas, Alf-Inge Haaland, oo ah aabaha dhalay weeraryahanka City, ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta dhabta ah ee kooxda uu xiddigu iska diiday Real Madrid waxana uu yidhi”waxa aan si fiican u qiimaynay kooxda sida aadka ah ugu baahan weeraryahan ka ciyaari kara No.9″.

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Manchester City waxa ay heshay 10 dhibcood marka loo eego xulashada ku haboon, halka Real Madrid ay heshay 5 ama 6 sababta oo ah qaab ciyaareedka xiddiga iy waliba in ay Real Madrid haysato Karim Benzema oo qaab ciyaareed fiican ku jira”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme