CiyaaroErik Ten Hag oo u jawaabay Guardiola kahor kulanka Manchester Derby Kama...

Erik Ten Hag oo u jawaabay Guardiola kahor kulanka Manchester Derby Kama qoomameynin tababarenimada Man United”

Erik ten Hag ayaa xaqiijiyay inuusan ka qoomameyn go’aankii uu ku noqday tababaraha Manchester United, inkastoo Pep Guardiola uu bishii April ee lasoo dhaafay tilmaamay in tababaraha reer Holland uu ku haboon yahay inuu ka bedelo shaqada Manchester City.

Heshiiska Erik ten Hag ee kooxda Ajax ayaa ku ekaa 2023, iyadoo Guardiola uu galay sanadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Man City, waxaana laga yaabaa in maamulka Sky Blues ay ku fikireen saxiixa Ten Hag.

Ten Hag ayaa ka jawaabay ammaantii Guardiola shirkiisa jaraa’id ee kahor kulanka Derby-ga, wuxuuna yiri:

“Waa ammaan fiican oo isaga igaaga timid, laakiin waxaan 100% ku qanacsanahay inaan doortay Man United, walina kama qoomamayn hal ilbiriqsi.”

“Anigu waxaan la dhacsanahay Pep Guardiola kaliya maahan inuu guulaysto, ee Sababtoo ah wuxuu u sameeyaa si gaar ah, uu ku soo jiidanayo dadka kubadda cagta ku xiran.” Ayuu yiri Erik ten Hag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme