CiyaaroERIK TEN HAG Ayaa isha Ku haya Badalka Cristiano Ronaldo Xiddiga Benfica...

ERIK TEN HAG Ayaa isha Ku haya Badalka Cristiano Ronaldo Xiddiga Benfica Goncalo Ramos.

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa inay dalab ka gudbiso weeraryahanka Benfica Goncalo Ramos sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in United ay mar hore xiriir la sameysay wakiilada weeraryahanka.

21 jirkaan ayaa dhaliyay sideed gool 12 kulan oo uu u saftay kooxda reer Portugal ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Waxaa la rumeysan yahay in United ay raadin doonto weeraryahan, iyadoo Cristiano Ronaldo uu weli doonayo inuu ka tago kooxda, halka Marcus Rashford iyo Anthony Martial ay dhaawac yihiin.

Newcastle ayaa isha ku haysay Ramos suuqii xagaaga iyada oo kooxda Eddie Howe ay raadinaysay weeraryahan, laakiin waxay bedelkiisa Alexander Isak kula soo wareegtay 63 milyan.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa lagu heli karaa lacag dhan 25 milyan oo euro waana lacag aad u yar marka la eego lacagaha la kala siisanayo weeraryahanada wakhti xaadirkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme