CiyaaroDhirbaaxo: Arthur Melo Oo Qaliin Maraya & Mudada Uu Ka Maqnaan Doono...

Dhirbaaxo: Arthur Melo Oo Qaliin Maraya & Mudada Uu Ka Maqnaan Doono Liverpool Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa war xun ka heshay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo kaas oo dhaawac ku seegay kulankii Rangers ee champions League.

Xiddiga Arthur Melo ayaan wali kulan premier League ah u ciyaarin Liverpool tan ilaa markii uu Maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga ku soo biiray Liverpool.

Wargayska The Athletic ayaa xaqiijiyay in xiddiga Arthur Melo mari doono qaliin kadib dhaawacii soo gaadhay ka hor kulankii Rangers ee champions League.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Arthur Melo garoomada ka maqnaan doono 3 ilaa 4 bilood kadib dhaawaca soo gaadhay.

Warkan ayaa ah mid u xun xiddiga oo doonayay in uu isku muujiyo Liverpool iyo waliba Klopp oo doonayay in uu xiddiga ku xoojiyo khadkiisa dhexe xilli ciyaareedkan.

Dhaawaca Arthur Melo ayaa la macno ah in ay Liverpool haatanba bilowday dadaalada ay ku doonayso in ay suuqa January kula soo saxiixato xiddig khadka dhexe ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme