CiyaaroDhaawacyada Barcelona Oo Sii Xumaanaysa & Xiddig Kale Oo Ku Biiray Liiska...

Dhaawacyada Barcelona Oo Sii Xumaanaysa & Xiddig Kale Oo Ku Biiray Liiska Dhaawacyada.

Xaalada dhaawacyada kooxda Barcelona ayaa maraya meeshii ugu xumayd kadib markii uu xiddig kale ku biiray Liiska dhaawacyada.

Fasaxa xulalka ayaa si weyn u dhaawacay kooxda Barcelona maadama ay xiddigo badan kaga dhaawacmeen kulamadii xulalkooda intii ay socdeen fasaxa xulalka.

Kooxda Barcelona ayaa si fiican ku bilaabatay xilli ciyaareedka laakiin dhaawacyo ayaa hadheeyay intii ay xiddiguhu fasaxa xulalka ku maqnaayeen.

Xiddigaha Jules Kounde, Ronald Araujo, Memphis Depay, Frenkie de Jong & Ousmane Dembele ayaa dhamaantood ku dhaawacmay waajibaadka xulalkooda labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Laakiin xiddiga Hictor Bellerin oo aan waajibaadka xulkiisa aadin ayaa ku dhaawacmay tababarka kooxda Barcelona todobaadkan.

Xiddiga Bellerin ayaa la xaqiijiyay in uu ka dhaawacmay kubka xilli uu ku jiray tababarka kooxdiisu isugu diyaarinayso kulamada soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme