CiyaaroDEG-DEG: Xiddigii Bisha Ee Man United Oo Lagu Dhawaaqay

DEG-DEG: Xiddigii Bisha Ee Man United Oo Lagu Dhawaaqay

Lisandro Martinez ayaa ku guuleystay abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa Manchester United bishii dhamaatay ee August kaddib bandhig heersare ah oo uu ka sameeyey kulamadii Liverpool iyo Southampton isaga oo waliba ku cusub horyaalka Premier League.

Saxeexa cusub ee United ayaa sidoo kale noqday xiddigii garoonka ee labadaas kulan, waxaana uu raacsaday abaal-marinta xiddiga bisha isaga oo helay 86% codadkii taageereyaasha kooxda oo caadiyan codkooda ku go’aamiya xiddiga bisha.

Difaaca reer Argentina ayaa codadka ugu badan ku helay qaab ciyaareedkiisii kulankii Liverpool, waxaana la tartamayay oo uu kaga guuleystay abaal-marinta xiddiga ee bisha labada difaac ee ay iska garab ciyaarayeen ee Raphael Varane iyo Tyrell Malacia.

Lisandro Martinez ayaa noqday difaacii ugu horreeyey ee Manchester United ah ee ku guuleysta abaal-marinta xiddiga bisha tan iyo horraanta sannadkii 2021, waqtigaas oo uu Luke Shaw bilihii February iyo March si isku xigta u noqday xiddigii ugu fiicnaa.

Waxa kale oo uu noqday saxeexii koowaad ee bishii ugu horreysay ee uu u ciyaaro Manchester United ku guuleysta abaal-marinta bisha tan iyo August 2019, waqtigaas oo uu Daniel James ku guuleystay abaal-marintan.

Codadka la dhiibtay ee uu Lisandro Martinez ka helay 86% ayaa waxa kaalinta labaad soo galay Tyrell Malacia oo helay 10% iyo Raphael Varane oo isaguna helay 6 boqolkiiba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme