CiyaaroDEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican premier League Bishii...

DEG-DEG: Xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta Xiddiga Ugu Fiican premier League Bishii September Oo La Shaaciyay

6 Xiddig ayaa loo doortay in ay u tartamaan xiddiga ugu fiican horyaalka premier League bisha September ee haatan sii dhamaanaysa.

Waxa la ciyaaray bisha September kulamo xiiso leh oo premier League waxana jira xiddigo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulamadii bisha.

Shirkada EA SPORTS oo bixisa abaalmarinta xiddiga ugu fiican premier League ayaa la soo saaray xiddigaha u tartami doona abaalmarinta.

Xiddigaha Philip Billing (Bournemouth), Kevin De Bruyne (Man City), Pierre-Emile Hojbjerg (Tottenham), Alex Iwobi (Everton), Jacob Ramsey (Aston Villa) iyo Marcus Rashford (Man United) ayaa ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta.

Xiddigaha ayaa ah kuwa qaab ciyaareedka ugu fiican soo bandhigay bisha September waxana ay u tartami doonaan in ay ku guulaystaan abaalmarinta.

Xiddiga ku guulaysta abaalamrinta ayaa lagu dhawaaqi doonaa todobaadka dambe marka codaynta la xidho Maalinta Isniinta ee ku beegan 26 bishan haatan lagu Jiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme