Erik ten Hag oo dib ugu laaban kara shaqada tababarenimo isla markiiba kadib markii laga ceyriyay Man United.AS Roma ayaa raadineysa tababarehoodii saddexaad ee joogtada ah xilli ciyaareedkan ka dib markii ay shaqada ka eriday Ivan Juric, waxaana la yaab leh in Erik ten Hag mar kale lala xiriiriyo kooxdaas.Red Devils ayaa lasoo wareegtay Ten Hag 2022 ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah isagoo hogaaminaya Ajax, balse Roma ayaa indhaha ku haysay ka hor inta uusan qaban shaqada United. Waxay isku dayeen inay ku qanciyaan inuu ku biiro 2019, balse ugu dambeyn waxay doorteen Paulo Fonseca, ka dibna waxay la saxiixdeen tababarihii hore ee United Jose Mourinho markii Fonseca uu ka tagay 2021-kii.Ololaha Roma ee xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa mid dhib badan, inkastoo ay qarash badan ku bixiyeen laacibiinta Artem Dovbyk iyo Matias Soule. Daniele De Rossi ayaa iska casilay shaqada Roma bishii September, bedelkiisii Ivan Juricna ma uusan hayn shaqada wax ka badan laba bilood.
Iyadoo ay kaliya hal guul ka gaareen afar kulan oo Europa League ah isla markaana ay ku jiraan kaalmaha hoose ee kala sarreynta Serie A, guuldaradii ay kala kulmeen Bologna Axaddii garoonkooda ayaa noqotay middii afaraad ee shantii kulan ee ugu dambeysay ee tababare Juric, kaasoo isla maalintaas shaqada laga eryay.Kooxda ayaa uga mahadcelisay Juric war-saxaafadeed ay soo saartay: “Waxaan u mahadcelineynaa Ivan Juric shaqadiisii adag ee usbuucyadii la soo dhaafay,” ayay qoreen. “Wuxuu ku maamulay jawi adag si xirfad leh, waana taas sababta aan ugu mahadcelinayno.”