Ciyaaryahanka reer Belgium, Eden Hazard, ayaa go’aansaday inuu ka fariisto ciyaaraha kubadda cagta maanta oo Salaasa ah.
Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium ayaa ka tagay Real Madrid xagaagii si uu u qiimeeyo dalabyada soo gaaray, laakiin ugu dambeyntii wuxuu doortay inuu ka tago kubada cagta.
Fariinta ciyaaryahanka ayaa tiri: “Waa in aad naftaada dhageysataa oo aad tiraahdaa jooji waqtiga saxda ah, ka dib 16 sano oo aan ciyaaray in ka badan 700 oo kulan, waxaan go’aansaday in aan soo afjaro xirfadeyda kubada cagta.”
Wuxuu ku daray: “Waxaan awooday inaan gaaro riyadeyda, waxaan ku ciyaaray oo ku raaxaystay, garoomo badan oo adduunka ah, intii aan ku guda jiray xirfadeyda, waxaan nasiib u yeeshay inaan la kulmo tababarayaal fiican iyo saaxiibo badan oo fiican waanan u mahad celinayaa”.
Waxa uu sii raaciyay: “Waxaan sidoo kale jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo kooxihii aan u soo ciyaaray: Los Angeles, Chelsea iyo Real Madrid. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa qoyskayga, saaxiibadayda, la taliyayaashayda iyo dadkii ii dhawaa”.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa ka qeyb galay 623 kulan intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed dhamaan tartamada, isagoo dhaliyay 167 isla markaas caawiye ka noqday 157 kale.