Wakiilka Alphonso Davies ee kooxda Bayern Munich ayaa beeniyay wararka ka imanaya Spain ee sheegaya in Real Madrid heshiis la gaartay Alphonso Davies.Davies, oo ah daafaca bidix ee Bayern Munich, ayaa ku dhow lixdii bilood ee ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, waxaana xiisaha ay Real Madrid u qabto saxiixiisa loo arkaa mid aan qarsoodi ahayn, iyadoo xiddiga la bartilmaameedsaday ku dhawaad 18 bilood ka hor.Warbixin ka soo baxday MARCA ayaa dhawaan sheegtay in Davies uu heshiis hordhac ah la gaaray Real Madrid, iyadoo dhammaan qandaraaskiisa si hoose laisugu afka afgartay oo kaliya la sugayo saxiixa rasmiga ah, maadaama kooxda reer Spain ay isku diyaarineyso inay dhameystirto heshiiska marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha January.
Si kastaba ha ahaatee, wakiilka Davies ayaa ku adkeystay in aysan jirin heshiis noocaas ah, xitaa wuxuu sheegay in Albaabka uu weli u furan yahay inuu qandaraaskiisa u kordhiyo Bayern Munich.
“Tani ma ahan run, in kasta oo ciyaaryahanku haysto fursado badan, ma jiro heshiis aan la galnay wax koox ah,” ayuu Nedal Huoseh oo ah wakiilka Davies u sheegay Philipp Kessler. “Bayern sidoo kale waxay noqon kartaa ikhtiyaar. Wararka sheegaya wax ka duwan arrintan waa kuwo khaldan.”