David Beckham Oo Dib Ugu Soo Laabanaya Manchester United Iyo Xilka Looga Magacaabayo
Halyeygii England ee David Beckham ayaa dib ugu soo noqonaya kooxdiisii hore ee Manchester United oo looga magacaabayo xil, inkasta oo uu yahay mulkiilaha kooxda horyaalka Maraykanka ee Inter Miami.
Beckham oo ka tegay Manchester United sannadkii 2003 oo uu u wareegay Real Madrid kaddib markii ay isku dhaceen tababare Sir Alex Ferguson oo wajiga kab kaga dhuftay, isla markaana dhaawac dhawr qodob la tolay ah uu kasoo gaadhay.
Manchester United ayaa la sheegay, in David Beckham uu xil ka qaban doono haddii ay qoyska reer Glazer ka iibiyaan Sheikh Jassim oo reer Qatar ah oo si weyn u doonaya in uu iibsado Red Devils.
Beckham oo xidhiidh la leh qoyska ka taliya Qatar oo uu ka caawiyey in dalkoodu ay ku guuleystaan martigelinta Koobkii Adduunka 2022, ayaa waxa la sheegay in ay isla qaateen in xil uu ka qabto Old Trafford oo uu ka yahay halyey gudaha garoonka ah.
Sheikh Jassim ayaa doonaya in Manchester United uu ku iibsado £5 bilyan oo Gini, laakiin qoyska reer Glazer ayaa dalbanaya in lacagtaas laga dhigo £6 bilyan oo Gini si ay u sameeyaan faa’iidooyin weyn waxaana tartanka kula jira Sir Jim Ratcliffe.
Taageereyaasha Manchester United ayaa doonaya in Sheikh Jassim laga iibiyo kooxda maadaama uu ballan-qaaday in uu dibu-dhis weyn ku samayn doono naadiga oo uu kusoo kordhin doono ciyaartooyo waaweyn.
Xilka la sheegay in loo magacaabayo David Beckham ayaa ah in uu noqdo safiiska kooxda ee uga ololeeya adduunyada, waana isla xilkii uu u hayay dalka Qatar waqtigii ay martigelinayeen Koobka Adduunka.