CiyaaroDavid Alaba oo ka hadlay Robert Lewandowski kahor kulanka ElClásico

David Alaba oo ka hadlay Robert Lewandowski kahor kulanka ElClásico

Xiddiga Real Madrid ee David Alaba ayaa ka hadlay saaxiibkiisii hore ee Bayern Munich haatana ka tirsan Barcelona ee Robert Lewandowski.

Hadalka David Alaba ayaa imaanaya kahor inta aysan labada kooxood Ral Madrid iyo Barcelona ku kulmin kulanka la wada sugayo ee Clasico 16-ka October garoonka Santiago Bernabeu.

Sida laga soo xigtay shabakada Football Spain Xiddiga Real Madrid ee David Alaba ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay Lewandowski, wuxuuna yiri:

“Lama yaabin waxa uu soo bandhigay Lewandowski, Si fiican ayaan u aqaanaa isaga sababtoo ah waxaan waqti ku soo wada qaadanay Munich.”

“Waxa uu Spain ka sameeyo waxaan awooday inaan sanado ku daawado Munich, Lewandowski waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican aduunka, waxaana uu soo bandhigay marar badan sanado badan, markale ayuu soo bandhigay sanadkan.”

David Alaba ayaa ka hadlay in saaxiibkiis Karim Benzema uu u qalmo abaal-marinta Ballon d’Or, wuxuuna yiri:

“Uma maleynayo inay illaa iyo hadda taasi shaki ku jirto, haddii aad eegto xilli ciyaareedkii hore waxa uu sameeyay xilli ciyaareedkaas waxay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan.”

Waxaa xusid mudan in Benzema uu si wax ku ool ah uga qeyb qaatay ku guuleysiga Real Madrid horyaalka La Liga iyo Champions League, xilli ciyaareedkii hore kaddib qaab ciyaareed heersare ah uu soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme