CiyaaroDadag, Graham Potter Ayaa Qarka U Saaran In Uu Noqdo Tababaraha Cusub...

Dadag, Graham Potter Ayaa Qarka U Saaran In Uu Noqdo Tababaraha Cusub Ee Chelsea,

Graham Potter ayaa u safri doona Stamford Bridge si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda chelsea shaqadana ka badalo Thomas Tuchel oo laga caydhiyay shaqada Blues.

Tababaraha Brighton ayaa la rumaysanyahay in uu yahay bartilmaameedka 1-aad ee Todd Boehly kaas oo bilaabay raadinta tababaraha cusub ee kooxda.

Kooxda Brighton ayaa chelsea u ogolaatay in ay la hadasho Tababare Potter si ay ugala hadlaan qorshihiisa hadii uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Potter ayaa u duulay London isaga oo saacadaha soo socda la kulmi doona mikiilayaasha Blues si uu ugala hadlo qorshihiisa hadii uu noqdo tababaraha kooxda chelsea.

Hadii ay chelsea iyo Potter ka heshiiyaan arimaha shaqsiga ah waxa la filayaa in fiidnimada caawa lagu dhawaaqo in uu yahay tababaraha cusub ee kooxda chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme