CiyaaroDadag, Chelsea Oo Diyaar U Ah In Ay Stamford Bridge Keento Cristiano...

Dadag, Chelsea Oo Diyaar U Ah In Ay Stamford Bridge Keento Cristiano Ronaldo.

Xiddiga Kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uuna wali ka laaban codsigiisii ahaa in uu isaga tago kooxda Man United.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in codsigii xiddiga ee ahaa in uu isaga tago kooxda wali saaranyahay miiska.

Xiddiga 37 jirka ah ayaa suuqa January mar kale isku dayi doona in uu ka tago kooxda Man United si uu ugu biiro koox ka ciyaaraysa champions League qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xagaagii Wakiilka Ronaldo ayaa isku dayay in uu koox u helo xiddiga laakiin waxa uu ku fashilmay in uu helo koox u dhaqaaqda saxiixiisa.

Si kasta ha ahaatee kooxda chelsea ayaa diyaar u ah suuqa January in ay u dhaqaaqdo xiddiga Cristiano Ronaldo hadii uu diyaar u yahay in uu ka tago Red Devils.

Chelsea ayaa doonaysay saxiixa Ronaldo xagaagii laakiin tababarihii hore ee chelsea Thomas Tuchel ayaa diiday in xiddiga la keeno Stamford Bridge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme