CiyaaroCristiano Ronaldo Oo la Ogaaday Waxa Uu Erik ten Hag Kaga Cabanayo

Cristiano Ronaldo Oo la Ogaaday Waxa Uu Erik ten Hag Kaga Cabanayo

Xiddiga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu laba cabasho oo waaweyn ka qabo Erik ten Hag xilli ay xiisad ka dhex aloosantay labadan nin.

Kabtanka xulka Portugal ayaa lumiyay booskiisa shaxda inkastoo uu dhaliyay 24 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, iyadoo ay sii kordheyso filashada ah inuu kooxda ka tago bilaha soo socda.

Xiriirka Ronaldo iyo Ten Hag ayaa ku bilowday si aan hagaagsaneyn markii uu halyeeyga kooxda ku wargeliyay inuu doonayo inuu ka tago bartamihii suuqa kala iibsiga xagaaga.

Waqtigaas United ma aysan heysan waqti ay kaga falceliso dalabka Ronaldo, waxaana qasab noqotay in tababaraha cusub uu wajaho su’aalahii adkaa ee mustaqbalka Ronaldo.

Ronaldo ayay u suurtogali weysay inuu ka dhaqaaqo Old Trafford iyadoo tababare Ten Hag uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu sii joogo laakiin wuxuu Marcus Rashford u doortay inuu ka ciyaaro booska gooldhaliyaha xilli ciyaareedkan.

Ronaldo ayaa ciyaaray 90kii daqiiqo ee kulankii Europa League balse shabaqa ma uusan soo taabanin inkastoo uu helay fursado waa weyn.

CABASHADA RONALDO

Ma jirto tilmaamo muujinaya inuu soo hagaagayo xiriirka labada nin, wargeyska The Times ayaana sheegaya in Ronaldo uu u arko Ten Hag nin leh madax adayg aan loo baahneyn islamarkaana si weyn ugu dhegen falsafadii ciyaareed ee u horseeday inuu guulo ku gaaro Ajax.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Ronaldo ay inta badan isku dhacaan tababaraha United madaama uu dareemayo in kooxda ay guulo waa weyn gaari laheyd haddii ay ku ciyaarto falsafad ciyaareed ka duwan tan Ten Hag uu la yimid.

Natiijooyinka kooxda ayaa ah kuwa isku dhafan tan iyo markii uu Ten Hag la wareegay talada iyadoo guuldarooyin xun xun ay kala kulmeen Brentford iyo Manchester City halka ay guulo waa weyn ka gaareen Arsenal iyo Liverpool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme