CiyaaroCristiano Ronaldo ayaa fariin u diray jamaahiirta Man Utd.

Cristiano Ronaldo ayaa fariin u diray jamaahiirta Man Utd.

Cristiano Ronaldo ayaa uga mahad celiyay taageereyaasha Manchester United taageeradooda ka dib markii kooxda Erik ten Hag ay gaartay guushoodii seddexaad oo xiriir ah iyagoo 1-0 kaga badiyay Leicester City.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa doonayay inuu ka tago Red Devils ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga, isagoo rajeynayay inuu sii ciyaaro Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa sii joogi doona haatan kooxda isagoo u tartami doona Europa League xilli ciyaareedkan ka dib markii United ay ku dhameysatay kaalinta lixaad ee Premier League.

Ronaldo ayaa tan iyo markaas ka baxay Shaxda Eric ten hag isagoo wax kulan ah ku soo bilaaban tan iyo 4-0 tii ay ku xasuuqday Brentford.

Si Kastaba ha ahaatee Ciyaarta ka dib, Ronaldo ayaa bartiisa Instagram-ka soo dhigay fariin uu ku taageerayo 3,000 oo jamaahiirta Kooxda la soo safartay isagoo ku yiri: “Waad ku mahadsantihiin taageeradiina”.

United ayaa haatan badisay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen liverpool, Southampton iyo Leiscester City, iyagoo iska soo xaadiriyay kaalinta shanaad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme