CiyaaroLayaab, Ciyaartoyda Man United Oo Naanays Cusub U Bixiyey Ronaldo

Layaab, Ciyaartoyda Man United Oo Naanays Cusub U Bixiyey Ronaldo

Ciyaartoyda Manchester United ayaa naanays cusub u bixiyey xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo ku jira xilli ciyaareed uu kaydka u dhacay oo uu tababare Erik ten  Hag ka doorbiday Marcus Rashford oo weerarka dhexe kusoo bilowda, halka garabyadana ay ka dheelayaan Jadon Sancho iyo Antony.

Mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee Old Trafford oo shaki uu dalbaday in la iibiyo amaba la fasaxo si uu koox kale oo Champions League ciyaaraysa ugu wareego, ayaa waxa uu kusii negaaday kooxda markii ay United diiday inay fasaxo.

Laacibkan shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa Khamiistii la siiyey fursad uu isku muujiyo kulankii Europa League ee ay kooxdiisu 2-0 ku garaacday Sheriff Tiraspol oo uu rikoodhe dhaliyey.

Goolkaas ayaa niyad-dhis fiican u ahaa Ronaldo oo hadda tababarka la qaadanaya xulka qaranka Portugal ee isku diyaarinaya kulamada UEFA Nations League ee Jimcaha illaa toddobaadka dambe la dheeli doono, waxaana uu safarka xulkiisa u baxay isaga oo loo bixiyey magac cusub oo naanays ah.

Difaaca reer Argentian ee Lisandro Martinez ayaa bixiyey naanaysta cusub ee Ronaldo, taas oo uu waliba ku daabacay baraha bulshada isaga oo ka falcelinaya sawir uu Cristiano Ronaldo soo dhigay bartiisa Instagram.

Magaca cusub ee uu Lisandro Martinez u bixiyey Ronaldo ayaa ah ‘El Bicho’ oo macnaheedu yahay cayayaanka bakteeriyada dhaliya ee ilma-qabatinka ah, laakiin arrinta layaabka leh ayaa waxay tahay in Ronaldo magacan markii ugu horreysay ay ugu yeedhay idaacadda Manolo Lama ee waddanka Spain xilligii uu joogay Real Madrid.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme