CiyaaroChelsea Oo Guul cidhiidhi ah Ka Gaadhay West Ham Kadib Kulan Xiiso...

Chelsea Oo Guul cidhiidhi ah Ka Gaadhay West Ham Kadib Kulan Xiiso Lahaa.

Kooxda chelsea ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda West Ham kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ah chelsea ku dhibaatootay dhinaca weerarka xilli ay West Ham difaac ku jirtay isla markaas weerar rogaal celis ah qaadaysay.

Chelsea ayaa dhibaato weyn ka qabta dhinaca weerarka xilli ciyaareedkan iyaga oo aan wax saamayn ah ku yeelan karin ciyaarta inta ay socoto.

Blues ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo in badan kubada ka haystay kooxda West Ham kuwaas oo difaac ku jira isla markaas chelsea u diidayay in ay dhaliyaan goolal.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxood waxba kala dhalin waayeen inkasta oo ay chelsea maamulaysay ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay West Ham ku bilaabatay qaab weerar ah iyaga oo doonayay in ay chelsea ka dhaliyaan goolka hogaanka ay ciyaarta ugu qabanayaan.

Daqiiqadii 62-aad ayay West Ham dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Michail Antonio kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Blues ayaa wixii intaas ka dambeeyay bilowday in ay raadiso goolka bar-baraha iyaga oo hurdada kakacay kadib markii gool laga dhaliyay.

Daqiiqadii 76-aad ayay chelsea dhalisay dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Ben Chilwell kaas oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1 ah.

Kooxda chelsea ayaa si waday cadaadiska ay ku hayso kooxda West Ham kuwaas oo dhinacooda qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay goolal ku doonayeen.

Daqiiqadii 88-aad ayay chelsea dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana goolka u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Blues ciyaarta hogaanka ku qabatay.

West Ham ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay dhalisay goolka bar-baraha ee 2-aad laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha khalad lagu galay Goolhayaha chelsea.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea guul dirqi ah ka gaadhay kooxda West Ham kuna soo laabatay wadada guulaha ee Premier League

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme