CiyaaroCHELSEA ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay weeraryahanka RB Leipzig...

CHELSEA ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay weeraryahanka RB Leipzig ee Christopher Nkunku.

Chelsea ayaa diyaarinaysa qorshe kale oo ay kula soo saxiixan karto xiddiga reer France iyo kooxda RB Leipzig ee Christopher Nkunku inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Wargeysyo dhowr oo Jarmal iyo Ingiriis ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay sheegayay in Nkunku uu horay baaritaan caafimaad ugu maray Chelsea toddobaadyo kahor, lamana shaacin heshiiska sababtoo ah Blues wali kuma heshiinin Leipzig qiimaha ciyaaryahanka.

Fabrizio Romano, oo ah khabiir ku takhasusay aarrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo tababarayaasha Yurub, ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter-ka wuxuu ku soo qoray:

“Qorshaha aasaasiga ah ee Chelsea ayaa noqon doona in ay kala xaajooto Leipzig shuruudaha heshiiska.”

“Haddii ay labada kooxood ku heshiin waayaan qiimaha uu Nkunko ugu wareegayo Blues, kooxda ka dhisan London waxay sarre ugu qaadi doontaa lacagta lagu burburin karo qandaraaska xiddiga reer France, kaasoo gaaraya 60 million euros.”

Fabrizio Romano ayaa wuxuu hadalkiisa ku soo xiray: “Nkunko waxa uu heshiis shaqsi ah la galay Cheelea, ciyaartoyguna waxa uu diyaar u yahay inuu saxeexo, laakiin waxa uu sugayaa heshiis dhexmara kooxaha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme