CiyaaroCarlo Ancelotti ayaa amaanay Eden Hazard ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​kulankii ay...

Carlo Ancelotti ayaa amaanay Eden Hazard ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​kulankii ay Real Madrid 3-0 kaga badisay Celtic,

Hazard ayaa kursiga keydka ka soo kacay si uu gool u dhaliyo kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaartay Celtic habeenkii talaadada, iyadoo Real Madrid ay si wacan ku bilaabatay olalaheeda heerka guruubyada ee Champions League

Hazard ayaa soo maray waqti adag tan iyo markii uu ku soo  biiray Real Madrid 2019 kii sababo la xiriira qaab ciyaareed xumo iyo dhaawacyo xareeyay, isagoo 69 kulan oo uu u saftay kooxda Los Blancos tartamada oo dhan dhaliyay kaliya todoba gool, 

dhanka kale carlo ancelotti ayaa ka hadlay bandhigii xalay ee Eden Hazard mar uu kasoo muuqday shir,jaraa,id kulanka kadib uu yidhi,

Waxaana u maleynayay inay ahayd waqtigii Hazard markii aan keenay isaga, wuu ii caddeeyey inuu saxan yahay, aad ayuuna u faraxsan yahay haatan, waxaana rajeynayaa inuu sidaas ku sii socdo,” Ancelotti ayaa u sheegay suxufiyiinta,

Iyadoo ay suurtogal tahay in Benzema uu garoomada ka maqnaado, Hazard ayaa rajeynaya in lagu soo bilaabo marka ay Real Madrid ku soo laabato kulanka La Liga ee ay la ciyaarayaan Mallorca axada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme