CiyaaroBruno Fernandes oo farriin u diray ciyaartoyda Man United kaddib guuldarardii waynayd...

Bruno Fernandes oo farriin u diray ciyaartoyda Man United kaddib guuldarardii waynayd ee ka soo gaartay kulankii Manchester Derby

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa si faahfaahsan u sharaxay sida ay uga fal celiyeen guuldarradii waynayd ee ka soo gaadhay kulankii Manchester Derby ee 6-3, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in lagu adkaysto mashruuca tababaraha reer Holland ee Erik ten Hag.

Guuldarrada kulankii Manchester Derby ayaa timid, kaddib    markii ay gaareen afar guul oo xiriir ah horyaalka Premier League intii u dhaxeysay 22-kii August iyo  4-tii September.

Haddaba Bruno Fernandes oo farriin u diray ciyaartoyda Man United ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan xilli ciyaareedkan ku bilownay mashruuc cusub, waxaana iska cad inaan dooneyno inaan la sameyno heerar gaar ah tababaraha,qof walbana waa inuu la wadaagaa fikrad isku mid ah.”

“Premier League sidaas uma sahlana, waxaana bilownay mashruuc u baahan in laga shaqeeyo, seddex bilood ayaan la qaadanay tababaraha, kooxduna si fiican ayay u socotaa.”

Laakiin way adkeyd inaan aqbalno guuldaradaan sababtoo ah waa Derby, laakiin hadda waa waqtigii dib loo noqon lahaa oo aan barri guul gaaari lahayn.”

“Waxaan yeelanay kulan si aan isaga aragno waxyaabihii adkaa iyo khaladaadkii aan sameynay. waxaa nalaga dhaliyay 3 gool, waan ka fogaan karay taas laakiin ma aanan sameynin.”

Mar wax laga weydiiyay isbarbardhigga u dhaxeeya Manchester United iyo kooxaha kale ee Premier League, wuxuu yiri:

“Ma ahan inaan diirada saarno qof kale, waa inaan diirada saarnaa nafteena, dhibaatada kooxda sanadihii lasoo dhaafay ayaa aheyd inaan nafteena ku mashquulno marka loo fiiriyo isbarbardhigga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme