Friday, December 8, 2023
More
    HomeCiyaaraha Maantabraham, Mbappe, Haaland, Guehi, Ramsdale, Neto, Musiala & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee...

    braham, Mbappe, Haaland, Guehi, Ramsdale, Neto, Musiala & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

    In ka badan laba bilood ayaa ka harsan inuu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha January laakiin waxaa durba jira tiro ciyaaryahano ah oo waaweyn oo Yurub ah kuwaas oo u muuqda inay ka tagi karaan kooxahooda haatan.

    Kooxda AS Roma ayaa ka fiirsanaysa in ay Chelsea u soo bandhigto saxiixa xiddiga Tammy Abraham si ay ugu badalato xiddiga Romelu Lukaku kaas oo amaah kula jooga kooxda (Mirror).

    Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay hal mar la soo wada saxiixato xiddigaha Kylian Mbappe iyo Erling Haaland (El Chiringuito).

    Kooxaha Arsenal, Man United iyo Man City ayaa dhamaantood xiiso u qaba saxiixa xiddiga Crystal palace ee Marc Gehi (Goal).

    Kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Goolhaye Aaron Ramsdale suuqa kala iibsiga xagaaga dambe (Football Insider).

    Arsenal ayaa doonaysa in ay saxiixeeda ugu horeeya ka dhigto xiddiga kooxda Wolves ee Pedro Neto (Express).

    Xiddiga kooxda Fluminese Andre ayaa xaqiijiyay in uu suuqii xagaaga iska diiday saxiixa Liverpool si uu u sii joogo kooxdiisa xilli uu haatan xiiso ka helayo Arsenal iyo Liverpool (90min).

    Xiddiga Bayern Munich ee Jamal Musiala oo lala xidhiidhinayo Liverpool ayaan ku faraxsanayn Kooxdiisa haatan (Mirror).

    Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay suuqa January u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Nice ee Jean-Clair Todibo (Fabrizio Romano).

    Kooxaha Arsenal, chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood doonaya saxiixa xiddiga kooxda Brentford ee Ivan Toney laakiin diidan in ay bixiyaan lacagta ay kooxdiisu ku qiimaynayso ee 61 milyan ah (Fichajes).

    Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa in ay suuqa January u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Kevin De Bruyne (Kerry Hau).

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here

    Must Read