CiyaaroBenzema Mise Lewandowski? Madaxweynaha La Liga Ayaa Kala Doortay Labada Gool Dhaliye...

Benzema Mise Lewandowski? Madaxweynaha La Liga Ayaa Kala Doortay Labada Gool Dhaliye Ee Real Madrid Iyo Barcelona.

Madaxweynaha horyaalka La Liga ee Javier Tebas ayaa kala doortay weeraryahanada kooxaha ugu waaweyn horyaalkaas ee Barcelona iyo Real Madrid ee Robert Lewandowski iyo Karim Benzema.

Benzema ayuu muddooyinkii ugu dambeeyay u shidnaa horyaalka La Liga isaga oo ahaa hoggaanka Real Madrid oo uu kula soo guuleystay horyaalka xilli ciyaareedkii hore xilli uu sidoo kale shaqsiyan gool dhalinta horyaalkaas soo qaaday.

Barcelona ayaa xagaagan lasoo wareegtay Robert Lewandowski oo kaga soo biiray Bayern Munich, Lewy ayaa ahaa xiddiga dunida ugu fiican sanadihii ugu dambeeyay isagoo Bayern koob kasta kula soo guuleystay

Javier Tebas oo taageere weyn u ah Los Blancos ayaa ugu horreynba la weydiiyay midka ah saxeexa fiican Lewandowski iyo Aurelien Tchouameni oo AS Monaco kaga soo biiray Madrid xagaagan waxaana uu ku jawaabay “Tchouameni”.

Markale Tebas oo la weydiiyay midka fiican Lewandowski iyo Benzema ayaa si cad u yidhi Waxaan ahayd Madridista sidaas darteed waxaan doorbidayaa Benzema”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme