CiyaaroBayern Munich Oo Cashar U Dhigtay Kooxda Barcelona & Xavi Oo Dusha...

Bayern Munich Oo Cashar U Dhigtay Kooxda Barcelona & Xavi Oo Dusha Loo Saaray Guuldaradii Ugu Horaysay.

Kooxda Bayern Munich ayaa garaacday kooxda Barcelona kulan ka dhacay garoonka Allianz Arena kulan ka tirsanaa kulamad 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay kooxda Barcelona fiicantahay dhinac walba hadii ay noqoto fursadaha iyo waliba maamulista ciyaarta xilli ayna Bayern Munich u muuqan kuwo doonayay in ay wax weerar ah qaadaan.

Kooxda Xavi ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool iyaga oo sameeyay fursado aan kala joogsi lahayn dhinac walbana kaga yimaadeen kooxda Bayern Munich laakiin ku fashilmay in ay gool dhaliyaan.

Bayern Munich ayaa ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah iyaga oo difaac ku jiray isla markaas Barcelona u diiday in ay goolkooda soo taabato.

Waxa bar-baro 0/0 ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda fiican laakiin ka faa’iidaysan waayeen fiicnaata ay ka fiicnaayeen Bayern.

Qaybta dambe ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay iyada oo ay labada kooxoodba weeraro isku qaadayeen isla markaas raadinayeen goolal ay ciyaarta ka dhaliyaan.

Daqiiqadii 50-aad ayay Bayern Munich dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Hernandez kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Barcelona ayaa u qaadan wayday in ay Bayer dhalisay goolka furitaanka marka la eego in ay iyagu ahaayeen kuwa fiican isla markaas wax walba u sameeyeen sidii ay dhalin lahaayeen goolka furitaan.

Wiilasha Xavi oo aan wali ka bixin la yaabkii ayay Bayern Munich mar kale u raacisay iyaga oo ka dhaliyay gool kale oo deg-deg ah isla maraas uu u dhaliyay xiddiga Leroy Sane kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa ciyaarta iska badalay wax weyn marka la eego in ay Bayern difaac gashay isla markaasna xiddigaha Barcelona ka niyad jabeen ciyaarta mar la eego in laga dhaliyay laba gool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme