CiyaaroBarcelona waxa ay haysataa wax walba oo ay ugu soo laaban karto...

Barcelona waxa ay haysataa wax walba oo ay ugu soo laaban karto heerka sare” – Ronaldinho

Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Ronaldinho ayaa ammaanay naadiga reer Catalonia ee uu hoggaamiyo Xavi Hernandez, isagoo xusay in Blaugrana ay wax walba u hayso xilligan sidii ay ugu soo laaban lahayd hoggaanka sare.

Wargeyska “Sport” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Ronaldinho, waxaana uu yiri:

“Barcelona waxa ay haatan ku hoos jirtaa hogaanka Xavi ee marxalad kala guur ah, waxa jira doorsoomayaal badan, waxaana rajaynayaa in wax walba ay si fiican u dhici doonaan.”

“Barcelona waxa ay heysataa tababare fiican, dhalinyarada hadda jirta waxa ay leeyihiin tayo badan, runtii Barca waxa ay haysataa wax walba oo suurtogal ah oo ay ugu soo laaban karto hogaanka.”

Si kastaba ha noqotee, Barcelona ayaa ku jirta kaalinta 2-aad ee kala sarreynta horyaalka La Liga iyada oo leh 16 dhibcood 6 kulan oo ay ciyaartay, waxayna 2 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme