CiyaaroBarcelona uma qalmin in laga badiyo kulankii Bayern Munich” – Inzaghi ayaa...

Barcelona uma qalmin in laga badiyo kulankii Bayern Munich” – Inzaghi ayaa sidaa yidhi Kulanka Caawa Ka Hor

Tababaraha Inter Milan ee Simone Inzaghi ayaa sheegay in kooxda Barcelona aysan u qalmin in laga badiyo kulankii ugu dambeeyay ee Champions League ay kula ciyaareen Bayern Munich.

Simone Inzaghi ayaa shir jaraa’id uu ka soo mooqday kahor kulanka ay habeen dambe Barcelona ku soo dhaweyn doonaan garoonka Giuseppe Meazza, kaasoo ka tirsan kulammada saddexaad ee heerka guruubyada tartankan wuxuuna yiri:

“Barcelona waa koox aad u adag. Waxay u qalantay inay garaacdo Bayern. waana inaan la ciyaarnaa ciyaar fiican.”

“Waa fursad weyn oo aan ku bedeli karno xaaladeena xilli ciyaareedkan, natiijaduna xaqiiqdii waxay bedelaysaa xaalada.”

“Barcelona waxa ay leedahay tayo sare dhammaan boosaska kooxda, waxaan u arkaa inay ciyaareyso kubadda cagta ee Yurub ugu fiican si la mid ah Manchester City iyo Bayern Munich.”

“Laakiin waxaan rajaynaynaa inaan wax ka badalno xaaladeena oo ay ugu horeyso kulanka Barcelona. Waa inaan yareynaa halista weerarka kooxda naga soo horjeeda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme