CiyaaroBarcelona oo shaacisay magacyada ciyaartoyda uga qeyb-galaya kulanka Inter MiIan ee Champions...

Barcelona oo shaacisay magacyada ciyaartoyda uga qeyb-galaya kulanka Inter MiIan ee Champions League & Xiddigo waa weyn oo maqan

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay diiwaanka xiddigaha uga qeyb-galaya kulanka adag ee Champions League oo ay la leeyihiin naadiga Inter Milan ee dalka Talyaaniga, iyadoo xiddigo waa weyn ay ka maqan yihiin.

Barcelona ayaa wajahaysa tartan adag bishan October, laakiin waxaa la dhihi karaa ma jiraan wax uga muhiimsan bishaan labada kulan ee ay la ciyaari doonaan Inter Milan tartanka Champions League.

Blaugrana ayaa doonaysa inay kobciso rajadeeda inay sii joogto marxaladaha dambe ee tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay doonayaa natiijooyin fiican ka keento Inter Milan, laakiin labadaas kulan haddii ay dhibco fiican ka hel weyso Nerazzurri waxaa halis gelin doonta joogitaankooda tartanka.

Maanta oo Isniin ah ayay shaacisay Barca xiddigaha uga qeyb-galaya kulanka ay booqanayaan Inter Milan, waxaana ka maqan afarta ciyaaryahan ee kala ah Memphis Depay, Jules Kounde, Hector Bellerin iyo Ronald Araujo.

Waxaa la filayay in Frenkie de Jong laga yaabo inuu ka soo kabsado dhibaatadiisa muruqa ka soo gaartay ka hor kulankan ay u safrayaan Garoonka Giuseppe Meazza, laakiin waa uu ku soo bixi waayey diiwaankan.

Xiddigaha da’da yar ee Pablo Torre iyo Marc Casado, kuwaas oo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu dambeeyay ee joogay safarkii Kooxda Barca ay Sabtidii ku aadday Real Mallorca ayaa ku soo baxay liiskan qeybna ka ah safarka ay kooxda reer Spain ku tagayso Talyaaniga.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Liiska xiddigaha Barcelona ee uga qeyb-galaya kulanka Inter Milan ee Champions League:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme