CiyaaroBarcelona Ayaa Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Bernardo Silva Sida Wararku Sheegayaan.

Barcelona Ayaa Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Bernardo Silva Sida Wararku Sheegayaan.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay saacadaha ka dhiman suuqa xagaaga u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Bernardo Silva sida ay sheegayaan wararku.

Sida laga soo xigtay saxafiga Pedro Almeida, Barcelona ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Bernardo Silva si ay helaan saxiixa xiddiga.

Kooxda Barcelona ayaa Dhigeeda Man City miiska u saartay lacag dhan 70 milyan oo euro iyo waliba 10 milyan oo Guno ah si ay u helaan Bernardo Silva.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona haatan sugayso jawaabta ay Man City ka bixinayso dalabka ay Barcelona ka gudbisay saxiixa xiddiga Bernardo Silva.

Barcelona ayaa xagaagan oo dhan doonaysay saxiixa xiddiga Bernardo Silva iyada oo tababaraha Barcelona ee Xavi taageere weyn u yahay xiddiga reer Portugal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme