Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Aurelien Tchouameni ayaa u damaanad-qaaday taageereyaasha Real Madrid iyo tababare Carlo Ancelotti in uu diyaar u yahay in uu ka ciyaaro difaaca dhexe marka loo baahdo xilli-ciyaareedkan oo ay tiro ciyaartooyo ah ka dhaawacan yihiin koodiisa.
Aurelien Tchouameni oo xalay khadka dhexe ugu soo bilowday xulka qarankiisa France ee guusha 2-1 ka gaadhay Netherlands, una soo baxay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024, ayaa waxa uu bandhig heersare ah ka samaynayaa garoomada, isaga oo dib u helay qaab-ciyaareedkii lagu yaqaanay intii ka horreysay Koobkii Adduunka.
Los Blancos oo ay dhaawacyo ragaadiyeen, ayaa uga baahatay difaaca dhexe ciyaartii Osasuna ay xasuuqa u geysteen, waxaana ay jamaahiirta kooxda iyo tababare Carlo Ancelotti isku raaceen in aanay walwal badan ka qabin difaacyo yaraanta oo ay booskaas ku riixi karayaan Aurelien Tchouameni.
Eder Militao oo jilibka ka jabay, ayaa ahaa difaaca waqtiga hore ay lumisay Real Madrid ee aanay sugaynin inta ka hadhay xilli-ciyaareedka, sidoo kalena waxa ka daba tegay oo dhaawacmay David Alaba oo hadda dib ugu soo laabtay tababarka.
Si kastaba Aurelien Tchouameni oo u warramay wargeyska Mundo Deportivo, ayaa waxa uu yidhi: “Waa suurtogal in kooxdu ay mar kale iiga baahato difaaca. Run ahaantii bandhig fiican ayaan sameeyey markii aan ka ciyaaraybooskaas, balse anigu waxa aan ku raaxaystaa khadka dhexe.”
Real Madrid ayaa dib ugu soo laaban doonta horyaalka October 21, waxaana suurtogal ah in Aurelien Tchouameni uu ka garab ciyaaro Antonio Rudiger kulanka Sevilla, ka hor inta aan la gaadhin ciyaarta xigta ee Barcelona.