Arteta Oo Ka Badbaaday Arrin Halis Ah Kadib Markii Lagu Soo Eedeeyay Aflagaado.

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa si dirqi ah uga badbaaday in uu ciqaab kala kulmo FA-ga Ingiriiska kaddib markii uu si kulul uga falceliyey guuldaradii muranka dhalisay ee kooxdiisu kala kulantay Newcastle xilli ciyaareedkii hore.

Ciyaartaas, goolka uu dhaliyey Anthony Gordon ayaa si weyn loo baadhay iyadoo VAR ay hubisay in gool ka dhaliyay uu ahaa mid sax ah.

Arteta ayaa caro darteed ku tilmaamay go’aanka goolka lagu oggolaaday “fadeexad” wareysigiisii ciyaarta kaddib, isagoo sheegay in go’aankaasi dhaawacayo sumcadda horyaalka Premier League. Hadallada khadafka ah ee Arteta waxay keeneen in FA-du dacwad ka gudbiso, taas oo halis gelisay inuu wajaho ganaax ama in laga mamnuuco tababarenimada.

Si kastaba ha ahaatee, guddi madax-bannaan ayaa Arteta ka bari yeelay dacwadda, iyadoo la sheegay in hadalladiisa si khaldan loo fahmay. FA-gu waxay faahfaahin ku bixisay in ereyga “fadeexad” uu  yiri Arteta uu la xiriiray erayga Isbaanishka ah ee “desgracia,” oo macnihiisu yahay nasiib-darro ama masiibo, halkii uu ka noqon lahaa macnaha xun ee Ingiriisiga ee sharaf-darro ama ixtiraam-darro.

Guddigu waxa kale oo ay xuseen in xanaaqa Arteta uu kordhay markii ciyaartoyda Arsenal ay u sheegeen in Joe Willock (oo hore uga tirsanaa Arsenal) uu sheegay in kubaddu ay banaanka baxday ka hor intaan la dhalinin goolka. Arrintaas dareenka-ku-saleysan ayaa sidoo kale door ka qaatay go’aanka lagu fasaxay Arteta.

Iyadoo Arsenal ay isku diyaarinayso inay mar kale wajahdo Newcastle isbuucaan, Arteta iyo kooxdiisu waxay rajaynayaan inaysan dhacdo kale oo muran leh qabsan, iyagoo doonaya inay kasoo kabsadaan labadii guuldarro ee xiriirka ahaa ee horyaalka Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *