CiyaaroArsenal Oo War Fiican Ka Heshay Xiddigo Ka Dhaawacnaa Ka Hor Kulanka...

Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Xiddigo Ka Dhaawacnaa Ka Hor Kulanka Man United.

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ka hor kulanka ay maanta la ciyaari doonaan Man United.

Xiddigaha Martin Odegaard, Aaron Ramsdale & Oleksandr Zinchenko oo uu shaki ku jiray ka qayb galkooda Kulanka Man United ayaa la safray Xiddigaha Kooxda ee Arsenal.

Kabtanka Arsenal ee Odegaard ayaa dhaawac uga baxay kulankii Aston Villa halka Ramsdale uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Xiddiga Zinchenko Ayaa gabi ahaanba seegay kulankii Aston Villa waxana uu seegay tababarkii ka horeeyay kulanka Man United.

Laakiin waxa ay u muuqataa in ay 3-da xiddigba taam u yihiin kulanka iyaga oo ka qayb ahaa Liiska xiddigaha u safray Manchester ee ka qayb ahaan doona kulanka.

Halkan Kaga Bogo Liiska xidigaha Arsenal ee kulanka ka qayb qaadan doona:

Goolhayayaasha: Ramsdale, Turner

Daafaca: White, Saliba, Gabriel, Holding, Zinchenko, Tierney, Tomiyasu, Soares

Khadka Dhexe: Odegaard, Xhaka, Lokonga, Vieira, Smith Rowe, Smith

Weerarka: Jesus, Martinelli, Saka, Nketiah, Marquinhos

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Subscribe Today

GET EXCLUSIVE FULL ACCESS TO PREMIUM CONTENT

SUPPORT NONPROFIT JOURNALISM

EXPERT ANALYSIS OF AND EMERGING TRENDS IN CHILD WELFARE AND JUVENILE JUSTICE

TOPICAL VIDEO WEBINARS

Get unlimited access to our EXCLUSIVE Content and our archive of subscriber stories.

Exclusive content

- Advertisement -

Latest article

More article

- Advertisement -Newspaper WordPress Theme